Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Masar ay tababar u soo gabagabeysan ciidamo ay u soo direyso Soomaaliya, kuwaas oo ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM, isla markaana dhowaan imaanaya dalka, sida ay ku dhawaaqday wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay soo dhoweyneysaa guusha lagu soo gabagabeeyay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar, kuwaas oo dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM),” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Fiqi.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa horey u ansixiyay ka qaybgalka ciidamada Masar ee AUSSOM.
“Tallaabadani waxay muujinaysaa sida ay Dowladda Masar uga go’antahay taageeridda amniga Soomaaliya iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay bogaadisay kaalinta Midowga Afrika iyo Saaxiibada Caalamka ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga Soomaaliya.
“Waxaan sidoo kale ku bogaadineynaa door muhiim ah ee ay ka qaadanayaan dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya oo cuuryaamin ku heysa dhismaha dowladnimada Soomaaliya ayaa cabsida ugu badan ka qabta imaashaha Soomaaliya ee Ciidanka Masar, maadaama ay suurtagal tahay in Masar ay toos ugu duusho Itoobiya, iyadoo marin ka dhiganeysa Soomaaliya.
Itoobiya iyo Masar ayaa isku haya biyo xireen ay wabiga Nile ku sameysay Itoobiya, halka Soomaaliya ay Itoobiya ku heysato dhulkeeda, gaar ahaan badda oo xiisad culus ay ka taagan tahay doonisteeda xoogga ku dhisan.
In Ciidanka Masar yimaadaan Soomaaliya, waxaa la aaminsan yahay in culeys badan oo dhanka Itoobiya uga imaanaya Soomaaliya uu yareyn karo, maadaama labada dowladood ciidamadooda ay ka wada howlgeli doonaan gudaha Soomaaliya.