DF oo SHACABKA u dirtay DIGNIIN cusub oo la xiriirta weerarada AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo maanta booqday xarunta howl-galada gurmadka degdega ah ee ay hirgelisay hey’adda musiibooyinka qaranka kadib qaraxyadii Zoobe ka dhacday Sabtidii, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka feejignaada weerarada Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Cabdiraxmaan Maxamed Guutaale oo ah maamulaha xarunta howl-galada gurmadka degdegga ah, isaga oo sharaxaad ka bixyey diiwaan-gelinta ay sameeyeen sida khasaaraha kala duwan ee naf iyo maalba leh oo ay ku jiraan dhaawacyada, dhimashada, dadka maqan, hantida kala duwan ee baaba’day iyo agoonta.

“Waxaan u baahanahay in xaaladda degdegga ah laga qayb qaato sidii loo gargaari lahaa shacabka,” ayuu yiri Dr. Axmed Aadan Cabdi, guddoomiye kuxigeenka SODMA oo isagna goobta ka hadlay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa bogaadiyey shaqada xarunta iyo ahmiyadda ay leedahay, isaga oo soo jeediyey in lala shaqeeyo hey’adda maareynta musiibooyinka iyo xarunta gurmadka si ay u helaan xogaha maqan.

Sidoo kale waxa uu xusay wasiirku in loo baahan yahay in shacabka istaakuleeyaan, dhanka kalana ay ka feejignaadaan argigixisada jabtay ee naf la caarida ah, una socota aargoosigooda.

“Si khasaaraha u yaraado waa in lasoo sheego argigixisada, argigixisadu waxaa ay ku faaneen leynta Shacabka Soomaaliyeed, waa in sida tuugada loo qabanayo oo kale in lasoo qabto,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina tilmaamay in wasaaraddiisu ay hormuud ka tahay dadaalada kala duwan ee gurmadka, waxaa uuna adkeeyey in la ballaariyo howlaha socda oo dadka dhan ay ka qeyb qaataan.

Shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa dhiig u shubay dhaawacyada qaraxa Zoobe, waxaa kale oo ay wasaaraddu uga qeyb-qaadatay gurmadka socda lacag dhan $5,000.