Safaaradda Mareykanka oo qaaday tallaabo cajiib ah kadib qaraxyadii Zoobe + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida goordhoweyd lagu baahiyay barta twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, shaqaalaha safaarada ayaa maanta bilaabay olole ay dhiig ugu shubayaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Zoobe 2 ee dhacay Sabtidii.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Waxa kale oo lagu xusay in Mareykanka uu marwalba taageero nooc walba la garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, si looga adkaado argagixisada.

“Kooxda safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa maanta dhiig ugu deeqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxyadii Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka lasoo dhigay barta twitter-ka ee safaraadda.

Tan iyo markii ay Sabtidii dhaceen qaraxyadii lagu hoobtay ee Zoobe 2 waxaa isa-soo taraya gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas, kaasi oo isugu jira dhaqaale ururin iyo dhiig shubis.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya oo goor sii horeysay oo maanta ah ka hadashay khasaaraha qaraxyadaasi ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay haatan marayso 120 qof, islamarkaana dhaawaca uu ka badan yahay 320.

Markasta waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay qaraxyadii is xigxigay ee Sabtidii ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, ayada oo marba marka kasii dambeysa maydad kale laga soo saarayo dhismayaasha ku burburay qaraxyada.