Dowladda oo si kulul uga jawaabtay QORAAL ka soo baxay wakiilka QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Qaramada Midoobay maalmihii ugu dambeeyay ay warbixino digniin ah kasoo saareysay doorashada Koofur Galbeed ayaa waxaa ka jawaabay arintaasi lataliyaha dhanka amaanka ee madaxweynaha.

Hadalka Lataliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda in Villa Somalia ay ka carootay hadalka Qaramada Midoobay ee ahaa in doorashada Koofur Galbeed aan la faragelin oo si cadaalad ah ku dhacdo.

Warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ahaa in doorashada Koonfur Galbeed ay u dhacdo ama u qabsoonto hab heshiis, is ogol iyo mas’uuliyad kujirto, taas oo tusaale fiican u noqon karta hab-socodka doorashooyinka ee Soomalaiya.

Cabdisaciid Maxamed Cali La taliyaha ammaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban  oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay in Xafiiska Qaramada Midoobey aysan soo faragalin Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Cabdisaciid ayaa yiri : “Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dhaqankaasi waa mid aan la soo dhoweyneyn

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com