AXMED MADOOBE oo ka digay in rabshado ay ka dhacaan BAYDHABO

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu ka xun yahay xiisada ka taagan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Axmed Madoobe ayaa ka digay in rabshado ay ka dhacaan magaalada Baydhabo, isagoona walaac ka muujiyay doorashada maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada dhexe ay faragelin ku hayso doorashada Koofur Galbeed.

“Wixii qaldama waxaa masuul ka noqon doonta Dowlada dhexe, sidaan hadii ay wax kusii wadaan bur bur ayey sababi doonta, mana jirto cid ay ka adkaan karaan ayuu yiri Axmed Madoobe.

17 Bishan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com