Amisom oo shaacisay sida ay ka yeelayso askartii rayidka ku leysay XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in maxkamad lasoo taagi doono askartii dadka shacabka ahaa ku dilay xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin sida ay wax u dhaceen, islamarkaana ay socdaan baaritaanka ku saabsan askarta falkaasi geysatay, kadibna maxkamad lasoo taagi doono.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horey ula kulmay taliyaha ciidamada AMISOM isaga oo kala hadlay dhacdooyinka xanuunka badan ee ay geysanayaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii askar kale oo ka tirsan AMISOM ay rasaas ku fureen dad ku banaanbaxayay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka careysnaa dhacadii afarta ruux ee rayidka ku dileen ciidamada ka socda dalka Burundi.

Dhinaca kale dhacdo kale oo xanuun badan ayay ciidamada AMISOM ka geysteen magaalada Kismaayo, waxaana geystay falkaasi ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Askari ka tirsan ciidamada Jubbaland ayay ciidamada Kenya madaxa ka jiirsiideen “Dardarsiiyeen” gaadiidkooda dagaalka, waxaana isla goobta ku dhintay askariga ciidamada Jubbaland ka tirsan.

Walow aan xog badan laga bixin qaabka askariga gaariga loo jiirsiiyay, ayaa haddana waxaa magaalada ka taagan xiisadda ka dhalatay falkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com