Saameyn noocee ah ayey is casilaadii Shariif Xasan ku yeelan doontaa Iskaashigii maamul goboleedyada?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynihii  Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo iska casilay xilkiisa ayaa noqotay hadal heynta ugu weyn Soomaaliya.

Waxyaabaha la is waydiinayo ayaa waxaa ugu muhiimsan saameynta uu Iskaashiga Maamul Goboleedyada ku yeelan doono iscasilaadii Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Haddaba, in Shariif Xasan, oo ahaa guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu meesha ka baxo ma horseedeysaa burburka golahaas oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyey dowladda federaalka?

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo falanqeeya arrimaha Afrika ayaa sharraxaya saameynta ka dhalan karta is casilaadda Shariif Xasan iyo waxa ay uga dhigan tahay dawlad goboleedyada.

“Runti hadda waxaad mooddaa in isbahaysigii maamul goboleedyada uu burburay, sababtoo ah madaxweyne Waare mar hore ayuu heshiis qaatay, Shariif Xasan hadda wuu is casilay oo meesha wuu ka baxay, Galmudug way kala qeybsan yihiin, Cabdiwalina waxaa laga yaabaa inuu xilka waayo maadaama uu doorasho gali doono. Marka hadda waxay u muuqataa in dowladda dhexe ay gacan sarrayso oo uu qorsheheeda sidii loogu tala galay u fulayo”.

Haddaba xagee buu ku dambeynayaa mustaqbalka seddexda madaxweyne ee ku soo haray golaha iskaashiga maamul goboleedyada, kuwaasoo kala ah Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Axmed Ducaale geelle Xaaf?

“Soomaalidu waxay tiraahdaa “ninkii qeyrkiis loo xiirayoow adna soo qoyso, marka kolley hogaamiyeyaashaas kalena way arkaan waxa dhacaya” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com