Dowladda Somalia oo war culus ka soo saartay Ammaanka Muqdisho.

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Ayaa maanta sheegtay in la xaqiijiyay Amaanka Magaalada Muqdisho 24kii saac ee la soo dhaafayna ay ciidamaa Amaankuna ka hortageen falal Amaanka dhan ka ah Amaanka dalka.

Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta saxaafadda shirjaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka iyo guud ahaanba Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay 24kii saac ee lasoo dhaafay ay magaalada ka sameeyeen howlgallo lagusoo qabqabtay dad iyo hub.

Taliyuhu waxa uu tilmaamay in magaalada hada laga hirgeliyey qorshe ay hay’adaha ammaanka ugu talagaleen in lagu xaqiijiyo amniga Caasimadda taasina ay tahay guul laga gaaray kooxaha cadawga ku ah nabadda ee shacabka dhibaateeynaya oo dhiigooda baneystay.

Ugu dambeyntii waxa uu Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg waxa uu shacbiga ku nool gobolka Banaadir ka codsaday iney hay’adaha ammaanka ku gacan siiyaan shaqadooda si cadawga looga adkaado.

Magalada Muqdisho ee Caasimadda ayaa beryihii ugu dambeeyey waxaa si weyn looga dareemayey howlgallo ay sameynayaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayadoo howlgalladaasina lagusoo qabtay Maleeshiyaad tirabadan oo ka tirsanaa Al-Qaeda waxaana ay arintaasi durbaba keentay in magaalada laga dareemo isbedel dhanka amniga ah.

Isha: RM