Dowladda Sacuudiga oo kiisas dacwo ah ku oogtay dhalinyaro Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay xabsi dhigtay Soomaali lagu helay Dukumiintiyo been abuur ah oo laga sameeyay sharciyada dalka.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in ragaas ay ka been abuuren sharciga, si ay muddo fog ugu sii noolaadan magaalada Riyadh oo ay degan yihiin.

Sargaal ka tirsan Booliska Riyadh oo lagu magacaabo Taamir Feysal ayaa cadeeyay in dhalinyaradaas oo Seddex ah ay iminka ku hayaan baaritaano lagu xaqiijinaayo kiiska lagu hayo.

Sargaalka ayaa farta ku goday inay gacanta ku hayaa qaar kamid ah Dukumiintiyada been abuurka ah ee lagu qabtay dhalinyarada Soomaalida ah.

”Wey sii socon doonaan baaritaanada aan ku heyno dhalinyarada lagu hayo Dukumiintiyada feega ah, ilaa ay ku cadaato kiiska lagu hayo”

Sidoo kale Sargaalka ayaa sheegay in ragaasi ay si toosa ula shaqeeyan Kooxo ka ganacsata sameynta Dukumiintiyada dowlada ee been abuurka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida ku nool dalka Sacuudiga ayaa lagu eedeeya inay aad u isticmaalan Dukumiintiyada been abuurka ah ee dalkaa lagu joogo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com