28.8 C
Mogadishu
Monday, June 8, 2026

Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Aqalka Sare oo lagu dhagan yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa goordhow lagu wadaa in ay warbixin ka dhageystaan Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Aqalka Sare.

Xildhibaanada oo dhawaan Guddiga u diray baaritaanka dagaalada ka dhacay degaanka Xeraale iyo duqeyn dhawaan ka dhacday Magaalada Jilib, ayaa la filayaa in maanta ka warbixiyaan.

Guddiga ayaa Xildhibaanada u tusaaleyn doono qaabka uu u dhacay dagaalka, cida abaabulka laheyd iyo waxyaabaha sababay, iyadoo wixii intaa kabadan ay Xildhibaanadu isla qaadan doonaan go’aano.

Xildhibaanada ayaa Guddiga si qoto dheer uga wareysan doona duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Jilib oo la rumeysan yahay inay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Sidoo kale, Guddiga ayaa Xildhibaanada siin doona qoraalo laga sameeyay kiisaska ay ku arkeen baaritaanada si loo helo qoraal qeex ah.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waayadan bilaabay la xisaabtanka dowlada Federaalka, iyagoo loo maraayo xaqiiqda ay keenaan gudiyada baritaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News