Xog-warran: Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya (Qeybtii 3-aad)

Waxaa jirta odhaah Laatiin ah oo leh “Veritas odium parit” oo macnaheedu yahay “Runtu waxay dhalisaa nacayb” hase yeeshee waa lama huraan. Soomaali ayaa hore u tiri “Runtu waa lama huraan”. Taasi waxaan oga jeedaan in Soomaalidu runta ka hishooto. Waxaan nahay ummad Islaam ah oo  aaminsan Qowlkii Ilaahay iyo tusaalooyinkii Nabigeenna suubanaa, naxariis korkiisa ha ahaatee. Giddigood waxay nagu adkaynayaan “Xaqqa” oo ah Runta.

Waxaa hubaal ah in musiibada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku habsatay aan annagu sabab u nahay, waayo “Ilaahay Ummad ma dulleeyo illaa uu isagu is-dulleeyo”. Mar haddii aan inkirnay qowlkii Ilaahay oo si fiican noogu fasiray Quraankiisa, kana fogaannay Diinta keliya ee Xaqqa ku taagan, maxaan filan karnaa. Ma waxaan illownay wixii qabsaday ummadihii naga horreeyey ee ka leexday diintenna suuban.

Haddaba, waxaan la soconnaa wixii dhacay tan iyo markii burburku dhacay, Soomaali fara badan ayaa ka soo haajirtay dalka oo magangeliyo siyaasadeed ka helay dalalka Caalamka ah. Sidaan xusuusan nahay dadkaas waxay heleen fursad ay ku dhistaan nolol cusub oo ka wanaagsan toodii hore. Waxay heleen fursad la mid ah tii ay heleen Yuuhudda kaddib markii xukunkii Naaziga ah uu bilaabay inuu ciribtiro qof kasta oo ku abtirsata ummaddaas. Waxay deegaan iyo nolol cusub oo wanaagsan ka heleen dalalka Yurub iyo Amerika. Waxay noqdeen dad isku tiirsan dadaal aan caadi ahaynna ku gaaray inay maanta horseed ka yihiin masiirka siyaasadda iyo dhaqaalaha dunida oo dhan. Midnimadooda iyo kartidooda waxay gaarsiisay heer ay hantiyaan dhul ummad lahayd qarniyaal ka hor deegaanna uga dhigaan ummadooda dunida ku baahsanayd, aqoonsi caalami ahna ha helay adduunweynaha.

Markaan is barbar dhigno fursadaha ay heleen Yuhuudda iyo Soomaalida, waxaa noo cad inay isku fursad ahaayeen hase yeeshee ku kala geddisan yihiin ka faa’iidaysiga. Ugu horrayntii, Soomaalidu waxay isu qaybisay qabiil uu midka kale cadow ku yahay, waxay ka hishoodeen inay ummadda dalkaas u dhashay is dhexgalaan si ay u abuurtaan nolol ka duwan tii ay horey u haysteen. Waxay bilaabeen inay qabiil ahaan isu urursadaan, xitaa ururrada bulsho oo ay xaq u lahaayeen inay ka abuuraan dalalkaas waxay ila hadda ku salaysan yihiin qabiil. Intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee caqlidarrada ahaa, urur kasta oo qabiil ku saleysan wuxuu taakuleyn jiray qabiilka uu ka tirsan yahay,isagoo qaaraan ka aruurin jiray xubnaha qabiilkiisa ka tirsan. Waxay gaartay heer ah in dadkii waddankooda ku soo  dhoweeyey magantana siiyay, inay kala dhexgalaan marka ay soo bannaan baxaan, mindiyana isu qaadanayo, si ay u ayidaan kuwii dalkooda ka soo haajiriyey, kuna taakuleeya dhaqaalaha loo siiyey inay ku noolaadaan. Waa cajiib. Bal fiiriya nin weli aaminsan inuu taakuleeyo kii baday dhibaatada waddankiisa ka soo saaray si uu ugu taageero inuu sii kordhiyo musiibada dalka aafaysay.

Bartamihii 90meeyadii, waxaan go’aansaday inaan la xiriiro ururrada Soomaaliyeed ee qurbaha joogay si aan uga dhaadhiciyo inay dariiqa keliya ee horumar lagu gaari karo ay tahay iyadoo lagu midoobo magaca keliya ah ee aan ku hanan karno sharaf na lagu aqoonsan yahay oo ah magaca Soomaaliyeed. Runtii dad badan ayaa igu raacsanaa arrintaas, hase yeeshee nasiibdarro waxaa ka badnaa kuwa habenkii inta aanay seexan isku duri jiray faleebbo Soomaalidu aad u aaminsan tahay oo la yiraahdo “Qabiil”.

Qodobbadii aan rabay inaan ugu caqli celiyo waxaa ka mid ahaa su’aashan: Haddii qof idinka mid ah uu dan ka yeesho xafiisyada kala geddisan ama askari uu joojiyo kuna weydiiyo yaad tahay, ma waxaad ugu jawaabaysaa waxaan hay “Reer Af-ku-Uusle ama Reer Af-ku-Leeble”, maya: jawaabta muqaddaska ah waa inaad tiraahdo waxaan ahay Soomaali, waayo waa magaca keliya ee lagugu qaddarin karo isla markaana aad sharafta ku hanan karto. Waxaa ayandarro ah inaan helin jawaab i qancisa, waana adag tahay inaan qalbigayga ka saaro dhaqanxumada aan kala kulmay Soomaalida qurbajoogta ah. Taasi waxaa ka sii daran mar aan wada kulannay Duqa magaalada aan degganahay iyo xubno ka socday dhowr urur Soomaaliyeed oo magaaladaas ka dhisnaa, si aan u wediisanno qoob aan ku kulanno. Jawaabta Duqa magaaladu waxay ahayd: “Marna damiirkaygu ima siinaayo mas’uulna kama  noqonaayo inaan idiin fasaxo goob aan ku dagaashaan, haddii kale hal magac ku soo midoobay kaddibna igu soo noqda”.

Runtii, halkan kuma soo koobi karo mana rabo inaan dib u xusuusto foolxumadii aan kala kulannay la macaamilka hay’adaha kala geddisan ee dalkan, kuwaasoo qaarkood shaki ka galay Soomaalinimadeenna, aqoon fiican ay u leeyihiin awgeed….Mahadsanidin….La soco qaybaha xiga.

W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal