Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Moqokori ee gobolkaasi, kadib markii ay saaka qarax is-miidaamin ah ku qaaday kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo iyo dad shacab ah uu xigay dagaal toos ah oo magaalada ka qarxay, kadib markii ay duulaan culus kusoo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo haatan la dagaalamaya ciidamada Macawiisleyda ee Beesha Xawaadle iyo kuwa Xoogga dalka ee ku sugan halkaas.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxda ay weerar isku dhafan oo qarayo ku jiraan ay ku qaaday degmada iyo deegaanka Gumarre oo dhowaan uun ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawiisleyda.
Al-Shabaab ayaa dubo guul wayn ka sheegatay dagaalka, waxaana baraha bulshada ay ku baahisay in dagaalyahanadeeda ay gudaha u galeen degmada Moqokori iyo nawaaxigeeda.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan xaaladda, balse waxa ay tilmaameen in weli uu socda dagaalka.
Xaaladda ayaa faraha ka baxday, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo sii xoojineyso daalka ka socda degmada iyo duleedkeeda oo ay indhowaanahan ay ka socdeen abaabullo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ee ku sugan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka qaraxa ah iyo dagaalka xigay, waxaana haatan socda gurmad deg-deg ah oo loo fidinayo dadka ay waxyeellada soo gaartay.
Moqokori ayaa ah degmo muhiim ah oo saldhig u ah ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana in muddo ah ka socda abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo muddooyinkii ambe laga qorsheeyay howlgallo lagu naafeeyay argagixisada.
Kooxda ayaa hadda u muuqata inay qaraxa kala gol-leedahay inay isaga yareyso culeyska ay wajaheyso, maadaama howlgalladii ugu dambeeyay jab culus lagu gaarsiiyay.
Sidaan oo kale waxay marar badan qaraxyo ismiidaamin ah Al-Shabaab uga fuliyeen magaalada Beledweyne oo iyana laga abaabulay howlgallo culus oo guuleystay.

