Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay safar ku tegay dalka Masar, safarkaasi oo jadwalkiisa ay heshay Caasimada Online. Waa markii shanaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh booqdo dalkaas tan iyo markii dib loogu doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 15-kii May, 2022.
Safarkan ayaa la xiriira loollan juqraafi-siyaasadeed oo ka aloosan gobolka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ka faa’iidaysiga biyaha Webiga Niilka iyo Badda Cas, kuwaas oo Itoobiya ay si toos ah uga dhex muuqato.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa safar kasta ku tilmaamta in uu la xiriiray iskaashi labada dal ah, halka Madaxtooyada Masar ay inta badan safarrada Madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsan cinwaanno siyaasadeed oo u gaar ah.
Ilaa hadda lama soo sheegin isbeddal muuqda oo ku yimid xiriirka labada dal ama iskaashigooda, mana jirto taageero muuqata oo Masar si toos ah ugu fidisay Soomaaliya, marka laga reebo hub iyo gaadiid kooban oo aan si cad midna uga hadlin.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarka Madaxweynaha ee maanta ayaa yimid kadib cadaadis uga yimid dhanka Masar, waxaana la sheegay in Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi uu si weyn u doonayo in Soomaaliya ay ka qaybgasho shir madaxeed saddex geesood ah oo ay yeelan doonaan Madaxweynayaasha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya, ka hor bisha September.
Masar ayaa doonaysa in shirkaasi uu noqdo madal ay saddexda dal isku mowqif uga noqdaan arrimaha la xiriira wabiga Niilka iyo Badda Cas, taas oo fariin cad u noqon karta Itoobiya — xilli Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu qorshaynayo in uu daahfuro biyo-xireenka Abaay.
Abiy Axmed ayaa casuumado u diray madaxda gobolka si ay uga qaybgalaan munaasabadda xarig-jarka biyo-xireenka Abaay, waxaana la rumeysan yahay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka mid yahay madaxda la casuumay — hase yeeshee waqtigan uu ku sugan yahay Qaahira.
Loollanka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ayaa hadda u gudbay heer goboleed, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafkaasi uu ku faafo dalal kale, taasoo suurtagal ka dhigaysa in gacan-qaad siyaasadeed ama milateri uu ka dhaco Geeska Afrika.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay Caasimada Online in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarkiisa u adeegsan doono xeelad cudur-daar siyaasadeed, iyadoo la qorsheynayo in uu booqdo caasimado dhowr ah si uu qolo kasta ugu muujiyo qanaaco iyo dheellitirka mowqifkiisa.
Go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan dib u soo nooleynta isbahaysigii saddex geesoodka ahaa ee Masar, Eritrea iyo Soomaaliya — ha noqdo oggolaansho ama diidmo — waxaa saameyn weyn ku yeelan doona sida Itoobiya uga falceliso tallaabadaasi.
Ilo dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Abiy Axmed uu si weyn uga fiirsanayo casuumaad rasmi ah oo uu u diro Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo weli aan booqan dalka Itoobiya.
Safar uu qorsheeyay Cirro oo uu ku tagi lahaa Addis Ababa ayaa la sheegay in uu dib u dhacay kadib culays uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya.
Tallaabada xigta ee Itoobiya qaadi doonto ayaa si dhab ah loo ogaan doonaa marka uu soo dhammaado safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda ku joogo Qaahira.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wajahaya imtixaan diblomaasiyadeed oo culus, isagoo dhexda uga jira loollan siyaasadeed oo ay ku gorgortamayaan dalal aan u oggolayn inuu yeesho “ilajir” ama “igajir” oo dhex dhexaad ah.

