Wararka naga soo garaya Magaalada Muqdisho ee Xarunta Wadanka Somalia ayaa waxaay tibaxayaan in Dowlada Somalia ay Magaalada Kismaayo u soo dirayso Ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia oo iskugu jira Milatary police iyo Nabadsugida.
Ciidamadan oo garaya hal guuto ayaa waxaa horkicidoona Taliyahay Guutada kowaad ee Ciidamada Xogga Somalia Gen. Cabdilahi Cali Canood waxaaana Ciidamadan badankood ka soo jeedan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.

Dowlada Somalia ayaa waxaay dadaal ugu jirta sidi Maamul Rayiid ah ugu sameyn lahad Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose balse waxaa arinkaasi si weyn uga horyimid Dowlada Kenya oo ayado Abaabulaysa in Maamul ayada hoos taga laga dhiso Magaalada Kismaayo.
Balse Dowlada Somalia ayaa wali ku adkaysanaya in ay ayadu xaq u ledahay in ay dhisto Maamulka Magaalada Kismaayo oo ah Magaalo ka mid ah Wadanka Somalia.
Muranka ka tagaan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayaa waxaa maanta Magaalada Kampala uga wada hadlay Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Kenya waxana kulankaasi fududeeeyay Madaxweynaha Uganda Musaveni Waxana Madaxweyne Musaveni u aminsan yahay in Maamulka Gobolada Somalia lo madax baneeyo Dowlada Somalia.
Arimahan oo dhan ayaa waxaay dhacayaan xili shir uu Magaalada Muqdisho uga socdo beelaha Daga gobolada Jubboyinka ee kala ah
1)Beesha Sade
2)Beesha Gaaljecel
3)Beesha Shiikhaal.
4) Beesha Cawrmale
5)Beelaha Direed.
6)Jareerweyne
Waxaayna dhamaan beelahaasi ka codsadeen Dowlada Fadaraalka Taliska Amisom iyo UNPOS in Magaalada Kismaayo lo diiro Ciidan ka madaxbanan Ciidamada Kenya oo ay beelahaasi ku edeyeen in aysan dhex dhexaad ka ahayn Arimaha Jubboyinka .
——————————–
Maxamed Cabdi Cali
Muqdiso-Somalia