Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khariidaddii ay Itoobiya ka tirtay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Ethiopia kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay website-kooda.

Sawirkan ayaa muujinayey Soomaaliya oo laga saaray khariidadda laguna daray dalka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia Ambassador Ahmed Ciise Cawad, ayaa VOA u sheegay in isla markii ay ka warheleen khariidadda la soo daabacay ay xiriir la sameeyen Ethiopia, xiriirkaasi kaddibna Ethiopia ay ka saartay sawirka khariiradda website-kooda.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha dibedda Ethiopia ay cudurdaar ka siisay Soomaalia khaladka, sidoo kalena ay wadaan baaritaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday.

Wasiir Cawad ayaa VOA u sheegay inay aqbaleen cudur daarka Ethiopia ay arrintaas ka bixisay oo ay aaminsan yihiin in falkaasi aanu ula kac ahayn.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa shalay lagu yiri “Waxaan ogaanay in sawir qaldan oo aan la aqbali karin oo ah map-ka qaaradda Afrika uu ku dhuuntay website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Markii aan ogaanay durba waan ka saarnay website-ka.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ku kalsoonaada in kooxdeena ICT ay ka shaqeynayaan amniga website-ka. Waxaan si shalayto leh uga cudur daaranaynaa jahwareerka iyo is-faham waaga laga yaabo in dhacdadan ay sababtay.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com