QM oo ka codsatay DF fulinta arrin Soomaalida oo idil ay ku kari weyday

Nairobi (Caasimada Online) QM ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim oo ku xiran xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho, taasi oo Dowladda Somalia ay hore uga codsadeen dhammaan qeybaha Soomaalida balse ay ka diiday.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha dagaalada iyo ku xadgubka arrimaha bini’aadinimada Zainab Hawa Bangura ayaa ku baaqay in la sii daayo wariyaha oo wareestay haweeney la kufsaday.

Wariyaha ayaa wareestay haweeney ay kufusadeen ciidamo ka tirsan dowladda bishii September.

Waxa ay tiri “Ma ahan in la xiro wariyaasha baaraya ku xadgudubka arrimaha xuquuqul insaanka iyo kufsiga loo geesto haweenka ma ahan in la xiro wariyaasha baaraya dambiyadaas oo kale.

Wariyaha la xiray ayaa ka tirsanaa idaacaddaha  Radio Ergo iyo hey’addo kale oo warbaahin, waxana la xiray khamiistii la soo dhaafay kaddib markii uu wareestay haweeney dhibana ah, xittaa wareesiga lama sii deyn ayaa lagu yiri warbixinta QM/

Waxa kaloo ay tiri Mr. Bangura  “Waxan cambaareenayaa falalka la xiriira xadgudubka arrimaha xuquul qul insaanka, ma ahan in dhibanayaasha ay ku noolaadaan cabsi iyo xishood, waa in ay helaan badqab iyo cid u hiilisa.”

Ms. Bangura ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay sii deyso wariyaha iyo gabar la dhalatay haweeneyda la kufsaday.

Si kastaba xarigga wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa waxa cambaareeyay dhammaan hey’addaha u doodda xuquuqda aadanaha iyo kuwa warbaahinta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi