Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshay deeq cusub, taasi oo dhan $125 milyan. Deeqdan ayaa noqoneysa maalgelintii labaad ee Bangiga Adduunka uu ansixiyo laba sano xiriir ah.
Deeqdan ay heshay Soomaaliya ayaa loogu talagalay taageerada siyaasadaha horumarinta , taas oo ay bixineyso Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA). Bogga Larolav ayaa warbixin ay baahisay ku sheegtay in maalgelintan cusub ay tahay wejiga labaad iyo kan ugu dambeeya ee barnaamij loogu talagalay kor u qaadista adkeysiga dhaqaalaha Soomaaliya.
Tan ayaa xoojinaysa maamul wanaagga maaliyadda guud iyo horumar waara oo laga sameeyo. Qaybtii hore ee isla maal-gelintan oo ahayd $125 milyan ayaa la meel mariyay sanadkii 2024.
Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Hideki Matsunaga ayaa tilmaamay in tallaabadani ay caddeyn u tahay sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta dib-u-habeyn muhiim ah oo dhanka hay’adaha ah, taas oo kor u qaadaysa dhismaha dawlad deggan iyo xoojinta heshiiska bulshada.
Maalgelintan ayaa diiradda saaraysa xoojinta xasilloonida maaliyadeed ee dowladda iyada oo la kordhinayo dakhliga canshuuraha, hufnaanta iyo waxtarka kharashaadka, yaraynta ku tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah, maalgelinta tamarta la cusboonaysiin karo si loo kordhiyo helitaanka koronto oo gaarta 50 megawatt sanadka 2026, horumarinta maalgelinta yar-yar, abuurista caymiska ka hortagga abaaraha, iyo dhiirrigelinta maalgelinta qaybta kalluumeysiga.
Dadaalladan ayaa qayb ka ah iskaashiga Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya ee lagu qeexay qorshaha sanadaha 2024 ilaa 2028, iyadoo la kaashanayo la-hawlgalayaasha horumarka caalamiga ah.