29.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay cabsida laga qabo cudurke Ebola

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Xanuunka Ebola oo la sheegay in uu ka dilaacay dalka Uganda oo Soomaaliya ay ka jooggaan Ciidamo.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka dalka Uganda ayaa toddobaadkii tagay wakaaladda wararka ee AFP u sheegey in wiil yar oo shan jir ahaa uu maanta u dhintay cudurka Ebola, kaas oo maalmo ka hor laga helay cudurkaasi.

Kiiskaasi ayaa noqonaya kii ugu horreyey ee dalkaasi, tan iyo markii dalka ay deriska yihiin ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu ka dillaacay cudurka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

- Advertisement -

Read more

Local News