27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Dowladda Soomaaliya oo weli ku howlan dhismaha maamulka SSC-Khaatumo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdiga heer sare ah ee ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wali ku sugan magaalada Laascaanood, iyaga oo ka shaqeynaya dhameystirka geeddi-socodka dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Xoosh oo faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha dhismaha maamulka, ayaa sheegay in dowladda ka go’an tahay in la dhamaystiro maamulka SSC Khaatumo. Wuxuu xusay in ergada dhismaha maamulka looga baahan yahay inay dardar-geliyaan xulista xubnaha baarlamaanka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in wafdi sare oo dheeraad ah la filayo inay booqdaan Laascaanood maalmaha soo socda, si ay uga qeyb qaataan wejiyada ugu dambeeya ee dhismaha maamulka iyo caleema-saarka madaxda.

Ergada hadda ku sugan Laascaanood ayaa ka kooban wakiillo ka kala socda beelaha dega gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, kuwaas oo hadda ku howlan soo xulista xubnaha baarlamaanka maamulka.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa imaanaya iyadoo la qorsheeyay in 5-ta Agoosto la qabto doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka SSC Khaatumo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay taageerayso in Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye) inuu hoggaamiyo maamul goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo, sida ay sheegayaan xogo aan ka heleyno shirka ka socda magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inuu yahay musharaxa ay dowladda federaalku u xulatay jagada madaxweyne ku -xigeenka maamulka Firdhiye.

- Advertisement -

Read more

Local News