26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Dowladda Turkiga oo war cusub kasoo saartay saldhigga ay ka furaneyso Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo waraysi siiyay Jariirada Daily Sabah ayaa sheegay in bisha September si rasmi ah loo furi doono saldhiga militari ee Turkigu ka hergaliyay Muqdisho, islamarkaana la bilaabi doono tababarada la siinayo ciidamadda Soomaalida ah.

Ku dhowaad 200 askari oo ka socda dalka Turkiga ayaa hadda jooga Soomaaliya, kuwaas oo ciidanka Soomaaliya ka caawinaya tababarrada iyo farsamooyinka kale ee dhinaca ciidanka balse lama xaqiijin karo marka saldhiga military la dhameeyo haddii ay ku lug yeelan doonaan howlgalladda dagaal iyo in kale.

Saldhiga ayaa waxaa ku socday dhisme labadii sano ee lasoo dhaafay, sida uu sheegay wasiirka difaaca dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed.

Dowladda Turkiga ayaa bisha September ee sanadkan waxaa ay magaalladda Muqdishu ka furi doontaa saldhig military oo fududeeyn doona adeegyada tababarka ciidamada Soomaaliya.

Saldhiga ayaa waxaa sidoo kale isticmaali doona ciidamada ammaanka iyo kuwa military-ga ee dowladda Turkiga.

Saldhiga ayaa waxaa uu qaadi karaa 1,500 oo askari, waxaana uu noqonayaa saldhiga ugu weyn ee dowladda Turkiga ay ku yeelato wadamada dibadda.

Saldhigaan ayaa la aaminsan yahay inuu wax badan ka caawin doono dowladda Soomaaliya, gaar ahaan tababarada la siiyo ciidamada Dowladda.

Dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday inay tababar fiican siin doonto ciidamado badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo isugu jiro dhammaan qeybaha kala duwan.

Dowladda Turkiga ayaa siyaasad furfurnaan ah la leh dowladda Soomaaliya, wuxuuna Madaxweyne Ordegan noqday madaxweyne ay aad u jecel yihiin shacabka Soomaaliya kadib markii uu garab istaagay intii ay Soomaaliya ku jirtay xaalado abaar oo aad u looga deeriyey.

Madaxweynaha Turkiga ayaa markii ugu horeysay Muqdisho soo booqday intii ay jirtay dowladdii Shiikh Shariif, wuxuuna markaas shacabka Soomaaliya u furay albaabkii ay ku heleyn gargarkii Bini’aadanimo maadaama xilligaas ay Soomaaliya soo martay abaar ku dhuftay inta badan wadanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News