Maxay ku saabsan tahay dacwada ay xildhibaanada BF ka gudbiyeen wasaarada amniga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar ku saabsan in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ay dacwad ka gudbiyeen Wasiirka amniga Xukuumada Somalia iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka.

Dacwada ka dhanka ah Wasaarada iyo Taliyayaasha Hay’adaha ayaa gaartay Guddoonka baarlamaanka taa oo salka ku heysa in ciidamada amaanka ay xasaanada ka qaadan Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa Guddoonka baarlamaanka u gudbiyay in ciidamada amaanka ay kala kulmaan dhibaatooyin farabadan xiliyada ay isticmaalayaan waddooyinka ay ka jiraan howlgalada iyo kuwa kale ee mashquulka ah.

Xildhibaanada ayaa sheegay in loola dhaqmo si xushmad la’aan ah, isla markaana lagu bahdilo shacabka hortooda.

Dacwada Xildhibaanada ayaa kamid ah in qaarkood laga reebo ilaalada ay wataan kuwaa oo aan la marin sharciyada dhawaan ay soo saartay Wasaarada amniga.

Cabduweli Sheekh Ibrahim Muudeey Gudoomiye ku- xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ciidamadu ay ku xadgudbaan Xildhibaanada.

Muudeey,waxa uu carab dhabay isagoo ka hor hadlaayay Golaha in dhibaato waliba oo lagu sameeya Xildhibaanada wax laga weydiin doono Wasaarada amniga iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka.

Sidoo kale, Muudeey ayaa ku nuux-nuuxsaday in Wasaarada amniga iyo Taliyayaasha lagula Xisaabtami doono ciidamadii ku xadgudba Xasaanadda Xildhibaanada.

Si kastaba ha ahaatee, dacwada Xildhibaanada ayaa ka danbeysay kadib markii ciidamo ka tirsan xasilinta Caasimada ay hub ka dhigis ku sameeyeen qaar kamid ah Xildhibaanada BF oo aan wadan Hub sharciyadeysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com