Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jabriib xero taraar ma dayn doonaa?

Wasiirka Dastuurka (DALTUURKA) Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa raalligelin ka bixiyay qoraal uu hore u dhigay Twitter-ka, Guddoonka Baarlamaankuna uu ka guddoomay raalligelinta, sidaana uu ku sii wadan karo shaqadiisa wasiirnimo, maadaama dib u fiirin la geliyey wasiirnimadiisa.

Anigu waxaan u arkaa raalligelintan Xoosh gudbiyey: baarlamaanow, waa idin tuugaa kursigeyga dib u fiirin ha gelinnina! Sabab?.

Xoosh markii hore, isaga ayaa is ku soo qaaday hawl awoodaha dawladda dhan u dhaxaysa, ka dibna gef iyo gaystay aflagaaddo. Dhaqanxumo!

Markii laga dalbaday, in uu horyimaado baarlamaankana, labo ballan ayuu ka maqnaaday cudurdaar la sheego la’aan, marka laga reebo, mar ii yiri waan xanuunsanahay!

Afxumo, nabad way kaa saartaa, colaadna kaa ma celiso. Sidaa baa Xoosh ku dhacday, balse, markii uu arkay, in meesha aysan dheel oollin, oo kursigiisa dood la geliyey, ayuu xilkiisa u baqay, waana laga yaabaa, in MW iyo RW ay cadaadis ku saareen, in aan codka kalsoonida baarlamanka la is la gaarin, si looga hortago is ka hormaad dhexmara awoodda xeerdejinta iyo fulinta, oon qofna dan ugu jirin, marka laga reebo Xoosh oo kale.

Qof walba fiiradiisa leh, inta aan la is la gaarsin, in dib loo fiiriyo kursigiisa, intan maxay ka dhibaysay, oo uu u garan waayey?.

Ani hadda nin xilkiisa u cabsaday ayaan u arkaa, haddiise uu hore u gudbin lahaa raalligelinta bulshada ayaa bogaaadin leheed. Si walbee, Xoosh xerotaraar ma dayn doonaa?!

Waxaan xusuustaa, sidii uu dharaar walba u cayn jiray Xasan Sheekh iyo sida uusan u dhawri jirin madaxda iyo hay’daha dawladdu leedahay afartii gu’ ee hore.

Soomaali wa gefay, oo waan ka garaabay lagu kari waa! Indha adayg iyo indha caddays ayey rabaan, in ay wax walba ku maareeyaan.

NaxliIyoNuxuus!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com