Dowladda uu guddi u xil saartay aaska AUN R/W Cabdiraaq Xaaji Xuseen

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaagddi u saartay aas qaran oo loo sameenaayo allaha ha u naxariisto ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha iminka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in qof muhiim ku ah Soomaalida uu geeriyooday, wuxuuna intaas ku daray in dowladda ay u magacowday guddiga u xil saaran aaska qaran ee loo sameenaayo marxuumka.

Guddoomiyaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in raadiyaan taarikhda iyo waddaniyada uu lahaa marxuumka geeriyooda, sidoo kale odayaasha yaqaana ugu baaqay in ay dhallinyarada uga sheekeeyeen taarikhda uu lahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Dhinaca kale, madaxweynaah Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaah Naxariistii Janno hasiiyee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Cabdirizaq Xaaji Xusseen .

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay halgankii xoriyadda ummadda Somaliyeed iyo dhisitaanka Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale tacsi noocaas oo kale waxaa u diray marxuum Cabdirisaaq ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuuna u rajeeyay Janatul Fardawsa in uu ka waraabiyo, Eheladiisa, Asxaabtiisa, iyo Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Marxuumka ayaa noqday ra’iisul wasaarihii Soomaaliya intii u dhaxeysay 14 June, 1964 ilaa 15 July, 1967.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug 24-kii bishii December ee sanadkii 1924-kii. Ururkii gobonnimo-doonka ee Somali Youth Club (SYL) ayuu ku biiray sanadkii 1944, isagoo 1955 noqday xoghayihii guud ee ururka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com