Ciidamada DF SOMALIA oo isaga baxay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada dowladda ayaa ka baxay saldhigyo iyo xarumo ciidan oo ay daganaayeen kuwaasoo ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay arkeen ciidamo fara badan oo ka baxaya saldhiggo ciidan oo ku yaalla xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley.

“Waxaa tan iyo xaley degmada Dharkeenley ka baxayay ciidamo halkaas muddo dheer joogay, waxa ay la baxeen baabuurtooda iyo wixii agab ee meesha u yaallay, mana naqaano meesha ay aadeen” siddaas waxaa yiri Cabdinuur Axmed oo ah dadka deeganka oo tagay goobta.

Wuxuu intaas ku daray in dadka deeganka ay billaabeen in ay aruursadaan wax yaabaha ay ka tageen ciidamada oo ay ka mid yihiin sariiro iyo silig goobta ku oodnaa.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamadaas horkaceysa kan maamulka degmada, balse arrintan si weyn ayaa looga dareemay degmada oo dad badan ayaa soo dhaweeyay maadama ay dhib ku qabeen ciidamadaas oo dadka dhici jiray sidda la lee yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com