Xog: Wasaaradaha gudaha iyo amniga oo isku haysta xilalkii iyo khilaaf jira

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cabdi Weli, ayaa waxaa haysta dhibaato cusub, oo ah u kala garqaadida Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somalia Cabdikarim Guuleed iyo wasiirka cusub ee ee Goodax kadib markii ay isku qabsadeen taliska Booliiska.

Guuleed, wuxuu ku dooday in taliska Booliska sharciyan hoos tegi doono wasaaradda amniga qaranka, hase yeeshee Goodax ayaa laalay qorshaha Cabdikariim Dhegajuun,wuxuuna ku dhegan yahay in booliska sharciyan hoos tago wasaaradda arrimaha gudaha ee Federaalka Somalia.

Wasiir Goodax wuxuu ku dooday in Booliska hoos tegi jiray Wasaaradda arrimaha gudaha, xilligii KMG iyadoo ay jirtay wasaaradda amniga qaranka, hase yeeshee Cabdikariim Guuleed ayaa diiday xitaa inuu wasaaradda ku wareejiyo Goodax.

Tani waxay cadeeyneysaa inaan wasaaradaha Xukumadda Federaalka Somalia loo sameeyn xeer sharciyeed oo qeexaya hay’adaha hoos tegaya wasaarad walba, waana sababta buuqa faraha badan dhalisay.

Wasaaradda amniga qaranka ee la siiyay Guuleed ma hoos tagaan ciidamadda Milataiga,Nabadsugida ama sirdoonka iyo asluubta, sidaas darteed hadii Booliska la raaciyo Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa isweydiintu tahay? ammaanka wasaarada amniga ay sugi doonto muxuu yahay?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com