Waxaa la ogaaday halkay joogaan 2 ka tirsan madaxda ONLF oo la afduubtay

Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa la ogaaday halka ay joogaan labo xubnood oo ka tirsan kooxda ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda fedaraalka Ethiopia.

Cabdinuur Cabdulaahu Faarax (Cabdinuur Yarre) oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in labadaas nin oo lagu kala magacaabo Cali Axmed Xuseen iyo Sulub Cabdi Axmed ay ku sugan dhulka dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia oo ay nabad qabaan.

Wuxuu beeniyay in la soo afduubtaas raggaas, isagoona intaas ku daray in ay u yimaadeen qorshe muddo dheer soo socday oo ah in ay qaataan nabadda sidda uu hadalka u dhigay “Mardhowna Saxaafadda ayey la hadli doonaan” ayuu yiri.

Cabdinuur oo ah la taliyaha dhinaca ammaanka madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa horrey uga mid ahaa kooxda ONLF balse markii uu ogaaday qorshaha kooxdaas ee horrumar la’aanta ayuu ku soo biiray dowladda deeganka Soomaalida Ethiopia.

Mar la weydiiyay raggaas sidda ay ku tageen goobta ay joogaan. wuxuu sheegay in gaari ku yimaadeen iyagoo ka soo tagay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in kooxda ONLF ay burburtay oo dhawaan qaar kale ay ka soo goosan doonaan sidda uu markale yiri.

Si kastaba, sarkaal u hadlay ONLF oo ku sugan London ayaa sheegay in raggaas laga afduubtay Kenya wuxuuna ku eedeeyay sirdoona dowladda Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com