Dhageyso: Shariif Xasan iyo siyaasiyiin caan ah oo isku helay dood kulul

Muqdisho (Caasimada Online) Dhowr bilood ayaa kasoo wareegtay markii dawladda Soomaaliya ay qaboojisay xiisaddii ka taagnayd magaalada Kismaayo kadib khilaafka ka dhashay maamul u samaynta oo qayb ah nidaamka hirgelinta Federaalka oo ku qoran dastuurka Soomaaliya.

Bilihii ugu dmabeeyeyna shir ayaa ka socday magaalada Baydhaba kaasi oo maamul la soo jeediyey in mamaul loogu sameeyo klix gobol, hase yeeshee waxa aka garab furmay shir kale oo dadka ka qaybgalaya ay doonayana maamul ku eg saddex gobol.

Xiisadda ka dhalatay shirarka iska soo horjeeda ayaa wei taagan isla markaana isku rogi karta mid daba-dheraata oo saamaysa fidinta awoodda dawladda. Haddaba Soomaalidu diyaar ma u tahay nidaamka Federaalka? Waa mowoduuca barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka oo uu inoo soo diyaariyey Haaruun Macruuf.

Barnaamijka waxaa ka qaybgalaya Shariif Xasan Sheekh Aadan,Cabdiraxmaan Jibriil Xoosh,Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo seddaxduba ah xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan iyo Prof.Cabdi Cilmi Afyare iyo prof.Maxamed Xaaji Mukhtaar.

Hoos ka dhagayso barnaamijka

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

Caasimada@live.com