Dowladda Xasan oo si weyn loogu dhalleeceeyay wixii maanta ka dhacay Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay go’aankii ay maanta ku joojisay dhammaan duullimaadyadii gobollada dalka.

Go’aankan oo yimid kadib markii ay shirkadaha diyaaraduhu diideen in ciidamo geeyaan deegaanka Raaskambooni ee maamulka Jubbaland ayey dowladda amartay in gebi ahaanba laga hakiyo duulimaadyada local-ka ee gudaha dalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka sida adag uga horyimid arrintaan, oo maanta jahwareer horleh ka abuurtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa ugu horeyn si kulul u cambaareyay go’aankan oo ku tilmaamay mid gurracan, islamarkaana uu kw xun yahay in kumanaan muwaadiniin ah oo u kala safri lahaa gobollada dalka lagu xayiro garoonka caasimadda.

“Waxaan si kulul u cambaareynayaa go’aanka gurracan ee Dowladda Federaalku ay maanta ku joojisay dhammaan duullimaadyadii u safri lahaa gobollada dalka, kadib markii ay diyaaraduhu halis amni ka muujiyeen in ay ciidan u daadgureeyaan deegaanka Raaskambooni,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ka xumahay in shacab Soomaaliyeed oo isugu jira haween, carruur, iyo waayeel ay maanta dhibbanayaal u yihiin go’aankan, oo ay garoonka Aadan Cadde ku xayiran yihiin kumanaan muwaadiniin ah oo u kala safri lahaa gobollada dalka.”

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in socdaalka uu yahay xuquuq lama taabtaan ah oo muwaadinku leeyahay, ayna ayaan darro tahay in la siyaasadeeyo, si diyaaradaha loogu khasbo in ay ciidanka daabulaan.

“Waxaan madaxda dowladda federaalka ugu baaqayaa ah in ay si degdeg ah uga laabtaan go’aankan gurracan, si shuruud la’aan ahna u fasaxaan diyaaradaha iyo shacabka ku xanniban garoonka caasimadda.”

Dhinac kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isna cambaareeyay xayiraada aargoosiga ah ee ay dowlada federaalka ah ku soo rogtay diyaaradaha iyo duulimaadka gudaha, iyagoo ugu marmarsiyoonaya in ay diideen ciidan loo daabulayo Raaskambooni, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa diyaaraha rayadka ah ka reebban in ay ciidan daabulaan, waxaase ka sii daran in lagu qasbo. Waa xadgudub sharci iyo tacadi in kumanaan shacab ah laga xayiro safarradoodii, iyadoo colaad laga hurinayo degaanno kale,” ayuu yiri Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Villa Somalia in ay joojiyaan ciqaabta jamaaciga, kana waantoobaan ciidanka ay daabulayaan iyo colaadda ay hurinayaan. Waa xikmad yari ku celcelinta xeelado hore loogu soo jabay.”