25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dr. Baadiyow oo ka hadlay dagaallada Guriceel iyo doorashooyinka 2016‏-ka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caannka ah ee C/raxmaan Macalin Baadiyow kana mid ahaa musharixiintii xilka Madaxweynaha sanadkii 2012-dii ayaa maanta soo hadal qaaday colaadda Guriceel iyo doorashooyinka la filayo in dalku galo 2016.

C/raxmaan Baadiyow wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Guriceel Gobolka Galgaduud inay wada hadlaan islamarkaana joojiyaaan colaada.

baadiyow7 (3)“Dadku waa walaalo dagaalkuna wax ma reebo, waxaan leenahay hala wada xaajoodo”ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow

Dhanka kale Siyaasigaan wuxuu ka digay in doorashooyinka la filayo 2016 la musuq maasuqo oo lacag iyo wax is daba marin la sameeyo inkastoo uusan dhinacna si gaar ah ugu eedeyn.

“Waxaan ka digeynaa in dadka siyaasada ku jira ee doonaya inay ka qeyb qaataan doorashooyinka inaan la caburin” ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News