Dr. Gaas oo xilka ka xayuubiyey wiilka Faroole & carro xoogan oo ka dhalatay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa xilkii ka qaaday agaasimaha ciidanka badda Puntland (PMPF) Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin magacaabistan ayaa haddana waxa warar lagu kalsoonyahay oo ka helnay madaxtooyadda sheegayaan in xilkan iminka loo magacaabay Xiriiriyaha madaxtooyadda ee ciidanka Badda Cabdinaasir Biixi Soofe.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, oo ah wiilka madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa lagu warramay in xil ka qaadista uu aad uga carrooday.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole
Maxamed Cabdiraxmaan Faroole

Ilo-wareedyo ku dhow isaga, ayaa Caasimada Online u sheegay inuu aaminsan yahay in xil ka qaadistiisa ay qabyaalad ku saleysan tahay.

Xubnaha ka dhow Ina-Faoole, ayaa sheegay in Cabdinaasir Biixi oo ka mida ganacsatada Puntland ay isaga iyo madaxweynaha Puntland yihiin kuwo isku dhow dhanka haybta, waxaana ay qayb ka tahay bay yiraahdeen isbadalka Shakhsiyaadka ee uu Mudane Gaas ku galay doorashada.

Ciidanka la-dagalanka burcad badeeda waxaa la dhisay sanadkii 2010, taasoo ka timi qorshe uu madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole u gudbiyay beesha caalamka in bariga lagala dagaalamo burcadda oo ah halka marka hore ay iska soo abaabulaan.

Ciidanka PMPF ayaa waxa dhaqaalaha ka taageera dowladda isku-taga Imaaraadka Carabta.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Maxamed Cabdiraxman ayaa ahayd mid waayadan guuxeeda la isla dhexmarayay Puntland, waxna isna uu ku maqan yahay dibedda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com