Kooxda qas wadayaasha SOMALIA oo Nairobi ku kulmay (Warbixin & Sawirro)

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi waxaa kulan ku yeeshay kooxda loo bixiyay qas-wadayaasha Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Cabdiraxmaan Cabdishukuur ayaa soo dhigay bartooda Facebook sawir ay ka muuqdaan siyaasiyiin caan ah, kuwaasoo ku kulmay Nairobi.

Waxa ay sheegeen kulankooda in ay uga hadleey oo ay wax iska weydiiyeen xaalada dalka uu marayo iyo mustaqbalka wax yaabaha la hiigsanaayo.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha ay uga hadleen marka laga tago qoraalada ay soo dhiggeen boggooda.

Sawirka dadka ka muuqda waxaa ka mid ah, Ra’iisal wasaarihii horre ee Cumar Cabdirashiid Sharmaake, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Cabdiraxmaan Cabdishakuur  iyo Fahad Yaasiin.

Shariif ayaa qoraalkan soo dhigay “Kulan is xog wareysi ah oo aan iskugu imaaney Kenya Nairobi, masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Ra’iisal wasaarihii horre Cumar Cabdirashid, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Abdirahman Abdishakur iyo Qaar kaleed waxaana iska wareysaney xaaladaha uu dalka maanta maraayo iyo kuwa Mustaqbalka Somaliya”

Shariif Xasan dhawaan wuxuu ka soo laabtay Baydhabo oo loo sameeyay maamulkii labad waxaana uu maamulka seddaxda gobal uu Shariif ka ahaa maskaxda ka dambeesay in uu meel maro.

Kulan Nairoboi ku dhex maray kooxda qaswadayaasha Soomaaliya
Kulan Nairoboi ku dhex maray kooxda qaswadayaasha Soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com