Muqdisho oo xaal naxdin ah ku sugan kadib markii gabar arday ahayd xalay…

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in saakay xaafadda Maha-Alle degmada Yaaqshid lagu arkay meydka gabar ardayd ah oo la dilay, taasi oo magaalka naxdin badan ka abuurtay.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Nafiso Cismaan in xaley 8-dii fiidnimo ay kala baxeen gurrigeeda oo ku yaalla xaafadda Mahad-Alle.

Kooxo hubeysan ayaa gabadhan oo ah 20-jir waxa ay kala baxeen gurrigeeda deetana waay ay toogteen.

“Xaley abaare 8-dii ayaa rag hubeysan oo wajiga soo xirtay waxa ay soo weerarreen gurri dariskeena ah waxanaa ay kala baxeen gabar ardayad ah taasoo ay la adeen goob aan la ogeyn dabadeedna wa ay dileen” ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda Mahad-Alle.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay gabadhan ardayada ah ee lagala baxay gurrigeeda, waxaana arrintaas amakaag iyo cabsi ay ku keentay dadkii ku dhaqanaa xaafada lagu dilay.

Gabadha ayaa la sheegay in ay wax ka baran jirtay Jaamacadda Somalia ee magaalada Muqdisho.

Waa dhacdadii ugu horreysay ee ka dhacda xaafadda Mahad- Alle ee degmada Yaaqshid

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com