AXMED MADOOBE oo u jawaabay QM

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa iska fogeeyay eedeen uga timid Qaramada Midoobay taasoo ahayd in dadka rayidka la iska laayo iyadoo wax sharci ah ama maxkamad la soo taagan ama loo oggolaanin in ay is-difaacan.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulkaas Cabduqaadir Xaaaji Maxamed (Luga-dheere) oo hadda ku sugan isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa beeniyay in maamulkooda uu dadka rayidka iska dilo.

Waxaa la weydiiyay go’aanka loo cuksaday in la dilo nin la sheegay in uu dilay Suldaan beesha Cowramala ee AUN Haafow, wuxuu tilmaamay ninkaas in uu isaga qirtay siddaasna lagu dilay.

Wuxuu tilmaamay maamulkooda in uu ilaaliyo sharciga oo uu difaaco shacabka rayidka sidda uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo la weydiiyay sababta uu maamulkooda u wareejineynin garoonka iyo dekedda Kismaayo, wuxuu tilmaamay in arrintaas la gaarin xilligii la wareejin lahaa.

Hadalka Suldaan Lugadheere ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Qaramada Midoobau ay sheegtay in maamulka KMG ah ee Jubba uu qof rayid ah ku dilay magaalada Kismaayo kaasoo la sheegay in aan wax maxkamad ah la sootaagin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com