Guddoomiye Muungaab ka diiday inuu xilka wareejiyo (Maxaase qabsaday?)

Muqdisho (Caasimada Online)- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamo nabad-sugid iyo boolis isugu jira in ay weerar ku qaadeen saakay gurriga uu deggan yahay guddoomiyaha degmada Kaaran Cali Calasow.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu diiddan yahay digreerto ka soo baxday guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, kaasoo ka qaaday xilka uu hayay.

Ciidamada booliska iyo nabad-sugida oo hoos-taga maamulka gobalka Banaadir ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen gurriga guddoomiyaha Kaaran oo ay hadda ku sugan yihiin.

Xaalada degmada Kaaran ayaa kacsan waxaana xiran goobaha ganacisga waxaa kaloo is-taagay isku socodadka iyo gaadidka sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Sidda ku qoran digreetada ka soo baxday guddoomiyaha gobalka Banaadir, maanta ayaa la rabay in guddoomiyaha Kaaran uu wareejiyo xilka uu hayay balse weli waa uu diiddan yahay.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay wuxuu billaabay in isbadal ku sameeyo guddoomiyaha degmooyinka ilaa afar guddoomiye degmo ayuu badalay dhammaantood waa ay u hoggaansameen armarka Muungaab balse guddoomiyaha Kaaran ayaa noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee ka hor yimaada amarka Muun-gaab.

Faah-faahinta warkan ka soco Caasimada Online