Turkiga oo iska fogeeyay eedeen uga timid Baarlamanka Somalia oo ahayd…

Muqdish0 (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa iska fogeysay eedeemo uga timid baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ahaa hey’addaha Turkiga in si sharci daro ay ku joogaan dalka.

Agaasimaha hey’adda waxbarashadda ee Nail Academy, Cali Turkey oo la hadlay  Idaacad ka ku taalla Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Turkiga aaney dalka u imaan in ay ka faa’ideestaan kheyraadka dalka yaalla.

Wuxuu sheegay oo kale in dalka ay u yimaaden siddii ay u caawin lahaayeen dadka shacabka sidda uu yiri.

“Dalka waxaan unimid siddii aan u caawin lahayn ummada Soomaaliyeed ee halkan uma imaan in aan ka faa’ideesano” ayuu yiri Cali Turkey.

Cali Turkey ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka ay ku yimaadeen sharci oo madaxweynihii horre ee Shariif Sheekh Axmed uu oggolaaday in ay dalka ku joogaan oo ay degganaan xarumaha muhiimka ee burbrusan.

Si kastaba, baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii horre ku eedeeyay shirkadda FAVORI in ay si shari darro ay ku joogaan dalka, waxaana ay codsadeen in la joojiyo howlaha ay ka wadaan garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com