Guddoomiyihii Muungaab ka diiday in uu xilka wareejiyo oo qasab ku dhiibay

Muqdisho (Caasimada Online)- Kaddib in muddo ah oo uu diiddanaa in uu xilka wareejiyo guddoomiyaha degmada Kaaran, waxaa ugu dambeen la sheegay in uu oggolaaday oo uu xilka wareejiyo.

Xiisad ayaa maanta oo dhan ka taagnaa degmada oo ciidamo isugu jirra boolis iyo nabad-sugid ayaa ku sugnaa gurriga guddoomiyaha iyo waddooyinka soo gala oo ay xireen.

Guddoomiyihii horre ee degmada Kaaran Cali Calasow Xuseen ayaa la sheegay in uu diidday in uu qaato amarka guddoomiyaha gobalka Banaadir oo xilka ka qaado, balse waxaa la sheegay in markii dambe ay u tageen odayaasha degmada iyo qaar ka mid ah ehelkiisa waxaana ay u sheegeen in uu oggolaado xilka in uu wareejiyo.

Waxaa la sheegay in la arkayay guddoomiyihii horre ee Kaaran oo u muuqda qof aan ku qanacsaneen xilka laga qaaday.

Muungaab ayaa lagu eedeeyay in uu inta badan guddoomiyaha uu xilalka ka qaaday uu ku badalay dhallinyaro aad u da’yer kuwaasoo ay ka soo wada baxeen Jaamacadda Caalamiga ee Ifriiqiya ee dalka Sudan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u sheegtay in ay soo dhaweeneyso isbadalka lagu sameeyay maamulada gobalka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com