MUUNGAAB oo hanjabaad culus diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Xuseen Muungaab ayaa runta u sheegay guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ee isbadalka lagu sameenaayo, isagoona ku yiri ku tusaale qaatay guddoomiyaha Kaaran oo xilka si xoog leh looga xayuubiyay markii uu isku dhajiyay.

Muungaab oo ka hadlaayay maanta xaflad uu xilka ku wareejiyay guddoomiyihii horre ee degmada Kaaraan ayaa sheegay in cid isku dhajinta karta xilka uusan jirin isagoona intaas ku daray in ay heestaan ciidamo nabad-sugid iyo boolis isugu jirra kuwaasoo loogu talagalay in ay ammaanka adkeeyaan.

Muungaab ayaa fariin u diray guddoomiyaasha uu damacsan yahay in uu xilka ka qaado isagoona yiri guddoomiye kasta waa la badalayaa cidda hareysa uun waa dadka ku dhaqan degmooyinka gobalka Banaadir maadama iyagan aaney la badaleynin.

Ugu dambeyn guddoomiye Muungaab ayaa xusay in u jeedkooda uu yahay siddii isbadal loogu sameen lahaa degmooyinka gobalka Banaadir, si loo adkeeyo ammaanka caasimada.

Hadalka guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa ku soo beegmaya iyadoo saakay la soo wariyay guddoomiyihii degmada Kaaraan in uu diiddanaa in uu wareejiyo xilka balse markii dambe ciidamo nabad-sugid ah iyo ay tageen gurrigiisa loona sheegay in la go’doomin doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com