EU oo laga cabsi qabo in lacagta ay ka joojiyaan ciidamada Kenya ee Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne Barack Obama Obama iyo Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO, Andres Fogh Rasmussen ayaa isku waafaqay inay kordhiyaan awoodda ay NATO milliteri ahaan ku leedahay Qaaradda Europe.

Saraakiisha Mailliteri ee NATO iyo Hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Isbahaysigaasi ayaa mar kale isweydiiyey waxa ku dhici kara Hawlgalka Kenya ee Somalia.

Hawlgalka Somalia waxa uu qeyb ka yahay Ajendada Degananaanshaha, iyadoo Kenya u muuqato mid ilaalinayso Danaha Reer Galbeedka.

Dalalka Midowga Europe, gaar ahaan Britain waxay u aqoonsan tahay Somalia khatar toos ugu ah ammaankooda, Waxayna u aragtaa inaysan Dowladda Somalia wax badan ka qaban Karin arrinkaasi, iyadoo ay Kooxaha Xag-jirayaasha ku xidideysteen Somalia, isla markaana cabsi xooggan ku hayaan Muwaadiniinta Britain.

Kaalmooyinka ay Midowga Europe ku taageeraan Hawlgalka AMISOM , ayaa waxaa ka mid aj iyadoo Kenya la siinayo kharajka ciiddamadda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Haddii uu Kharajka Midowga Europe ugu tala galeen Deganaanshaha Somalia la joojiyo, waxaa hubaal ah inay Milliteriga Kenya isaga huleeli doonaan Somalia.

Hawlgalka LINDA NCHI ee Milliteriga Kenya kaga soo gudbeen xuduudka Somalia, ayaa kordhisay ammaan-xumida ka jirta dalka Kenya.

Dowladda Kenya ma damaanad qaadi karto ammaanka Muwaadiniinteeda ku sugan Xaafadda Islii ama Westland see Nairobi, Mombasa ama Garisa.

Kenya waxay gondaha la sii galaysaa dagaal tabar-darayn karo, xilli isbedel ku imaanayo Muhiimadda Caalamka ee Difaaca.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com