DR. SAADIQ EENOW oo qaaday tallaabo ku cusub Soomaaliya oo farxad badan

Soomaaliya waxay noqotay xarunta qashinka ama sunta lagu daadiyo, hantideeda badda iyo barigana la boobo iyadoo aan cidina is-waydiinin. Qofkii hantida qaranka xada, ama ajaanib u gacan galiya ayaan marnaba abaalkooda la marin.  Dilka iyo barakicinta ummadda kuwa kacana waaba lagu dalacsiiyaa .

Xirfadlaawayaal Xirfado sheegtay

Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday oo waayadan soo banbaxay, dad badan oo sheeganaya xirfado aysan lahayn sida macallinnimo, dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal, Injineerro, shaybaariisteyaal iwm.

Sannadkaan biloowgiisii mar aan soo maray degaanno badan oo dalkeenna ka mid ah waxaan indhahayga ku soo arkay dad badan oo aan habayaraatee wax xirfad caafimaad ah lahayn, islamarkaasna dhakhtarnimo sheeganaya, dadkuna ay saf ugu jiraan. Qaarkood waxayba samaynayeen qalliimo sida goynta qumanka, burooyinka, bixinta xabbadaha iyo waliba dhalinta haweenka dhali waaya. Qaar kale Ultrasound (Computer) bay la wareegayaan iyagoo inta been been dadka saara, ka dibna dawo qaali ah oo qalad ah u qoraya.

Haddii bukaanka dawadu ku dhinto tii Allaah baa u timid uunbaa la oran, dhakhtar ku sheeggana waxba loo raacan maayo oo shaqadiisuu sii wadan .Toloow kuwa xabbadda dadka markay ku dhuftaan uu u dhinto, maxaa iyaga loo qabsadaa ?

Tallaabo farxad leh

Waxaan shalay warbaahinta Soomaalida ka akhriyay ama ka dhagaystay in magaalada Garoowe lagu xiray nin Kenyan ah oo dhakhtarnimo ku qaraabanayay iyo labo soomaali ah oo la shaqaysanaysay.

Baaritaan ay wasarada caafimaadka ku samaysay xaruntan ayay ku ogaatay inay tahay mid aan sharci ahayn daawooyinka dadka laga iibiyana ay yihiin kuwo aan jirin oo si qaldan looga faa’iidaystay xarunta ayaa sidoo kale waxaa fariisan jiray Nin Keenyaan ah oo dhaqtar sheegtay.

Stephen Wang’Ombe Nduga madaxda wasaradda caafimaadka waxay ku eedeeyen inuu yahay nin ka been sheegay xirfada caafimaadka isla markasna shihaadooyinka uu wata ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Wasiirka Caafimaadka Dr.Saadiq Eenow ayaa sheegay inay maanta soo gabo-gabeeyeen baaritaankii xarunta Nayroobi lagu hayay isla markasna ay ka hortagi doonaan dadka sidan oo kale uga dhex shaqaysta Puntland.

”Arrinta la xariirta nin dhaqtar ah oo la yiraho Stephen Wang’Ombe Nduga oo mudo saddex sano ahna ka shaqaynayay Puntland arrintaan iyada ah waanu soo afjarnay waxana ku xukunay inuu dalka ka baxo,sababtana waxa weeye degree aan sax ahayn iyo qalab aan sax ahayn ayuu ku shaqaynayay”.Eenow.

Waxa uu sidoo kale wasiirku dadka ugu baaqay inay kusoo war galiyeen haddii ay arkaan dad noocaan oo kale oo caafimaadka si qaldan ugu shaqaysanaya.

Ninkaan Kenyaanka ah iyo qalabkii uu ku shaqaynayay ayaa waxaa lagu wareejiyay wasaradda Amniga Puntland si ay tilaabo uga qaado.

Stephen Wang’Ombe Nduga ayaa laga soo cayriyay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo oo shaqooyinka oo kale ka hayay Agaasimaha guud ee caafimaadka ayaa sheegay qalabka uu isticmaalayay Ombe inuu yahay kuwo maclin ah oo aan caalamka looga shaqayn.

Si aad ah ayaan ugu farxay markii aan maqlay in Dr.Saadiq Eenoow, wasiirka caafimaadka ee Puntland uu ku dhawaaqay in rugtii caafimaadka ee beenbeenta ahayd albaabada loo laabay, isla markaasna shaqaalaheedii xabsiga loo taxaabay.

Faanoole Farikama qodna

Waxaa caado noqotay in qof waliba uu farmashi iska furto isagoo aan wax xirfad ah u lahayn. Waxaa yaab ah, dhwor maalmood ka bacdi, waxay magaaladu ugu yeeri Dr., Isaguna wuu ku sii indha-adkaadaa, shaqadii khaldanaydna sii laba jibaaraa.
Howsha wasaarradda caafimaadka Puntland ku dhaqaaqday waa mid lagu farxo, muujinaysana in dowladdu doonayso inay dadkeeda waxna u qabato, wixii dhib ku hayana ka qabato.

Halkan ka arag warqadihii fashilay beenta Dhaqtar beenaadkii Kenya

nai 1nai 2nai 3nai 4nai 5nai 6nai 7

Qore :Dr.Cabdi Faarax Taano
Denmark , taano1@hotmail.com