Drogba oo casho sharaf u sameeyey asxaabtiisii Chelsea.

Halyeeyga kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa casho sharaf u sameeyey ciyaartoydii Chelsea ee ku guuleysatay Uefa Champions League bishii May, inkastoo uu weerarayahanka reer Spain Fernando Torres xaflada ka maqnaa.

Drogba ayaa soo agaasimay xafladaan ka dhacday Wyndham Hotel oo ku yaala Chelsea Harbour ka dib markii ay kooxdu bishii May si la yaab leh ku hanatay Koobka Kooxaha Yurub, markaasoo ay Bayern Munich garoonkeeda uga soo qaadeen.

Waxaa soo xaadiray ciyaartoydii ay isku kooxda ahaan jireen iyo shaqaalaha kooxda iyadoo lagu bixinaayey xaflada Faraantiyaal si gaar ah loo sameeyey, waxaana lasoo werinayaa inay qiima ahaan ku keceen 800 kun oo ginni.

Weeraryahanka Qaranka Ivory Cost ayaa xafladaan ula dan lahaa inuu ku dhiso niyada ciyaartoyda, ka dib markii ay Blues noqotay kooxdii ugu horeysay ee iyadoo koobka difaacaneysa ku harta wareega Group-yada.

Torres oo ahaa ninkii kooxda u bedelay booskii Drogba ayaa xaflada ka maqnaa, si kastaba wiilkiisa Leo ayaa shalay laba jirsaday waxaana macquul ah inuu arinkaasi sabab u ahaa. Juan Mata iyo Petr Cech ayaa iyana xaflada ka maqnaa.

Drogba ayaa Chelsea ka hayaamay sanadii hore wuxuuna ku biiray kooxda Shanghai Shenhua laakiin kooxda London ayuu kusoo laabtay si uu tababar ula qaato inta ka dhiman African Cup of Nations oo bilaabanaya sanadka cusub.

Halyeeyga Blues ayaa ahaa ninkii dhaliyey Rigooradii guusha ay Munich kaga gaareen Allianz Arena bishii May, wuxuuna kulankaasi ahaa kulankiisii ugu dambeeyey ee uu xirto Funaanada Chelsea.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.