Drs. Maryan Qasim iyo sodaalka Turkey + wixii ay ka tiri Safiirka M. Mursal

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drso Maryan Qaasim oo maalmihii la soo dhaafay safar ku joogtay dalka Turkiga ayaa waxay halkaas kulamo kula qaadatay wasiiro ka tirsan Turkiga iyo Xubno kale.

Wasiirada oo kulamadaas uu ku Wehliyay safiirka Soomaaliya ee Turkiga  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu ahaa mid guul ku soo idlaaday.

Waxaa ka mid ahaa Xubnihii ay wasiirada la kulanatay Ra’iuslwasaare Kuxigeenka dalka Turkiga Bakir Bozdag oo ay ka wada hadleen sida loo hirgelin karo mashaariic hormarineed oo ay walaalaha Turkigu ka hirgelinayaan gudaha Dalka soomaaliya. Safaarada Soomaaliya ee turkiga ee uu safiirka ka yahay danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxay ahayd mishinka arintaas dhaqaajinayay maadaama Qaran walbaa uu ka Turjimo ama wakiil uu ka yahay safaarada markaas dalkaas ugu taala.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amaan u soo jeedisay safaarada Soomaaliya ee Turkiga iyo shaqaalaheeda oo ay ku amaantay in ay hayaan howl shaqo oo aan la dafiri Karin.   Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drso Maryan Qaasim ayaa  shaqaalaha safaarada ku tilmaantay kuwa u heelan u adeegida Qaranka ay wakiilka ka yihiin.

Kulammadan ay Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maryam Qaasim la qaadatay Madaxda Turkiga iyo Beesha caalamka ee Jooga Turkiga ayaa waxay ku soo dhamaadeen guul sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo aan qadka Taleefanka kula xiriirnay, ayaga oo nooga waramay howlaha iyo safarka wasiirada.

Maryan qaasim ayaa sheegtay in safaarada Soomaaliya ee Turkiga ee uu safiirka ka yahay danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ay shaqo badan qabato, ayada oo ku amaantay qaabka ay shaqaalaha safaarada iskugu xiran yihiin iyo sida ay bulshada joogta Turkiga ugu adeegaan baahidooda gaar ahaan ardayda wax ka barata Turkiga.

OLYMPUS DIGITAL CAMERASidoo kale danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa la sheegay in uu yahaya shaqsi dhaqaajiyay howlaha shaqo ee safaarada Soomaaliya iyo Turkiga iyo Xiriirka ka dhaxeeya dalka Soomaaliya iyo Turkiga oo maraya meeshii ugu sareeyay oo uu abid gaaray.

Dhinaca kale  hadalka wasiirada ayaa ku soo aadaya iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda gaar ahaan 12-bishan uu ka Furmo shir Muqdisho kaas oo ay iskugu imaan doonaan safaradaha caalamka ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado in ay kulan la yeelato Wasiirada arimaha dibada Fowsiyo.

Kualnkaan ayaa lagu wadaa in qaar ka mid ah safaaradaha caalamka is badal lagu sameeyo halka shaqalaha safaaradana la isku dhafi doono sida ay Bogan u sheegeen Ilo Xog ogaal ah.

Cabdixakiin Cilmi Xasan Cabdixakiin441@hotmail.com Tel-+254-711830393