Wadooyinka Muqdisho oo ciidamo fara badan lagu arkay + Xaaladda guud

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa saaka lagu arkay wadooyinka magaalada Muqdisho ciidamo fara badan oo isugu jira boolis, nabad sugid iyo millatari kuwaasoo foyijignaan xooggan ku jira.

Laga bilaabo KM4, waddada shaqaalaha, Makah Al-Mukaramah iyo madaxtooyadda Villa Somalia ayaa lagu arkayaa ciidamo fara badan kuwaasoo halkaas ku sugan.

Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo baabuurta iyo dadka ku amraya in ay socdaan oo ay joojiyaan istaaga.

Ma cadda ciidamada saaka lagu arkay magaalada Muqdisho laakin waxa la sheegayaa in maanta ay yimaadaan wafuud ka socota caalamka, sidaasna ayaana loo adkeenayaa ammaanka magaalada Muqdisho.

Ma ahan wax ku cusub magaalada Muqdisho in lagu arko ciidamo badan, marka ay magaalada imaanayaan waxa inta badan la xiraa waddooyinka, waxana meel kasta la dhigaa ciidamo, taasoo caqabad ku noqota dad weynaha Muqdisho.

Dhinaca kale, waxa dib u dhacay xaflad lagu waday in maanta loo sameeyo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo dhammeestay fadhigiii koobaad tan iyo markii la doortay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo la hadlay radiyaha dowladda Radio Muqdisho ayaa sheegay in xaflada lagu soo xiraayo kulankii koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya ay dhici doonto maalinta berri ah oo Isniin ah.

Wuxuu shegay in ay jiraan kulamo maanta ay yeelan doonaan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ka shaqeyn doona guddiyo shaley ay iska doorteen baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho