Muqdisho (Caasimada online) Kulankii seddexaad oo looga hadlayo arimaha burcad badeeda ee ka dhacaya isku taga imaaraadka carabta ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dib u dhiska qaranka Soomaaliya iyo la dagaalanka burcad badeeda.
Dowladaha Caalamiga iyo ururada ka qeyb galaya shirkaasi ayaa la sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii wadajir diirada loogu saari lahaa dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u qaabeynta amaanka Somaliya.
Waxyaabaha kale ee la doonayo in diirada lagu saaro shirka ka furmaya isku taga imaaraadka carabta waxaa ka mid noqon doona arimaha cadaalada, habka amaanka, amaanka badda iyo arimo kale.
Inka badan 500 ka qeyb galayaal, wasiir arimo dibadeedyo, saraakiil sar sare oo dowladaha iyo qabiiro dhanka badda ah ayaa la sheegay in kulanka oo todobaadka soo socda ka dhacaya Dubia ay ka qeyb gali doonaan.
Simon Ancona, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Badda dalka Ingiriiska ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay maqalka hoos u dhac ku yimid weeraradii ay qaadi jireen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Marka loo eego warbixino ay soo saareen hayadaha dhanka badda waxaa hoos udhac uu ku yimid weeraradii ay geysan jireen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho