26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

“Dunnida ayaa ciriiri igu noqotay inaan is qarxiyo oo aan isaga tago ayaan rabay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah dadkii shalay ciidamada NISA u qabteen qaraxii ka dhacay degmada Waaberi ayaa sabab yaab ah ku sheegay waxyaabaha ku qasbayay inuu is qarxiyaa.

Xasan Cabdi waa ruuxa ciidamada NISA qabteen markii qaraxa uu ka dhacay degmada Waaberi, wuxuuna sheegay inuu doonayay inuu nafta is dhaafiyo.

Sababta ku qasabtay inuu is qarxiyaa ayuu ku sheegay iney tahay in adduunyada ciriiri badan uu kala kulmay uuna go’aansaday inuu nafta is dhaafiyaa.

“Aniga xoogaa aduunya ciriiri igu noqotay waxaan rabay inaan isaga tago.” Ayuu Saxaafadda ugu sheegay Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale qabtay dadkii ku sugnaa garaashkii shalay lagu soo diyaariyay qaraxii ka dhacay deegaanka Waaberi ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News