Duqa Hargeysa oo dacwad Soomaalida ku cusub oo cajiib ah laga gudbinayo

Hargeysa (Caasimada Online) ― Eng Cabdi Maxamuud Daahir (Cabdi Duco), oo ka mid ah dhallinyarada Somaliland ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey inuu dacwad ka gudbinayo Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Cabdi Duco ayaa sheegay in Maayarka uu ku dacweynayo inuu bartiisa Facebook uu ku leeyahay uu iska saaray, kadib markii ay muddo asxaab ku ahaayen bartaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuusan maayarku xaq u laheyn inuu iska saaro, haddii uu ku dhaliilo xilka uu bulshada uu kamid yahay u hayo.

“Maayar markaynu leenahay maahan qof meel iska jooga, maayar waa qof matala bulshada magaaladaa uu ku noolyahay, baraha bulshada ee uu magaca dadweynaha ku kasbadanay waa wadaag oo waa lawada leeyahay, Dhowr jeer ayaan kala xidhiidhay Massenger-ka waan dhaliilay mana caayin anigu, xilka uu ii hayo ayaan ku dhaliilay, Baraha bulshaduna waa meel la wada leeyahay, asaga maayar ahaanna waa hanti ay dadweynuhu leeyihiin” ayuu yiri Cabdi Duco.

Dacwadan ayaa ah mid ugub ku ah geyiga Soomaalida, taasi oo noqoneyso markii u horeysay ee Muwaadin uu Maayirkiisa ku dacweeyo arrimo ku saabsan mareegta ay bulshadu ku wada xiriirto ee Facebook.

Dacwadan oo kale ah ayaa waxay hore uga dhacday dalka Maraykanka, taasi oo madaxweyne Trump lagu dacweeyey dad uu ka xannibay bartiisa Twitter-ka, iyada oo ay dacwadaasina ay ku guuleysteen dadkii ka gudbiyay Trump.

Maxkamada ayaa madaxweyne Trump u sheegtay inuusan awood u laheyn inuu barihiisa bulshada uu cidna ka xanibo, taasi oo ay sabab uga dhigtay xilka iyo xafiiska guud ee uu joogo.

Dacwadani laga gudbinayo maayar Solteco ayaa waxay lamid tahay midka madaxweyne Trump lagaga guuleystay, inkastoo ay tahay calaamad su’aal dul tagaan garsoorka Somaliland, oo laga war-sugi doono sidii ay dacwadaasi ka yeelan.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com