Hay’adda culimada oo war kasoo saartay xasuuqii ka dhacay Gaalkacyo (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay falkii lagu dilay kudhawaad 10 ruux oo ka dhacay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Hay’ adda ayaana ku baaqday in la garab istaago Ehelada dadkii la dilay sidii ay ku heli lahaayeen cadaaladda, dadkii danbiga gaalayna loo horkeeni lahaa sharciga.

Madaxa Golaha Culimada Soomaalida Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in culima ahaan ay aad uga xun yihiin wixii dhacay, assaga oo dalbaday in cadaaladda la horgeeyo dadkii geeystay falkaas aanan laga harin ilaa sharciga la mariyo.

“ Falka nuucaas ah waxaa la oran karaa inuu ahaa xasuuq dadka hadii isir ahaan loo raad sado, waana danbiyada waa weyn  Diin ahaan, Qaanuun ahaana qatartiisa ayuu leeyahay , waxaan garanayaa hadda ka hor in halkaas dad u badan culimo Tabliiqa ah in lagu laayay oo Bakistaan u dhashay ayaan filaayaa ”.

Sidoo kale Sheekh Bashiir oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dhibka ka dhacay ay ugu wacan tahay maamulka oo liito iyo waliba dadka shacabka oo gacantooda uu ku jiro hub aad u fara badan.

“ Waxa ay muujinaysaa habacsanaanta maamulka ee meesha ka jiro iyo hubka oo aad ugu badan magaalada shabkana ay heystaan,  dadkii waxaa loo baahnaa in ay kala danbeyta aaminaan oo wixii dhaco dowladda loo daayo, sargaalbaa la dilay intaas oo saraakiil ah ayaa horay loo dilay, aqoonyahan ayaa la dilaa culimo ayaa la dilaa”

Dhanka kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa sheegay in arrintaan ay keeni karto in dadka Soomaaliyeed ay u noqdaan halkii ay ka yimaadeen iyo qabiil qabiilkii, assaga oo intaas ku daray in ay tahay arrin qatarteeda wadato siwada jirana looga hor tago.

“ Tilmaan aad u xun ayey tilmaameysaa,  waxaana ka dhalan kara in dadku mar labaad ay ku noqdaan halkii ay ka soo ka banaysay  ee gobalgobkii iyo qabiilkii, in ayadoo maanta Soomaali wada dhaqmaysay oo wada noolaneysay in arrintaan lagu dhexbeero waa sheey qatartiisa leh weeyaan,in laga gaaro ayaan soo jeedinaynaa”

Ugu danbeyn Gudoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska ilaaliyaan wax waliba oo dhaawici kara midnimadooda iyo wada jirkooda .

“ Waxaan annagu adkaynaynaa in Soomaalidu adkaystaan walaaltinimadooda is dhexgalkooda la adkeeyo, waa in aad layskaga ilaaliyo tilaaba waliba oo dadka Soomaaliyeed kala dili karto nuuc waliba ay ahaato, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah  oo  muslimiin ah  qof kasto oo Soomaaliya dalka waa inuu ka dagi karo meeshii rabo uuna tagi karo”

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com