Xukuumada Muuse Biixi oo qabaneysa doorasho uu Waddani ka maqan yahay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii u horeysay ka hadlay xariga ay xukuumada Muuse Biixi kula kacday Xildhibaan Dhakool.

Guddoomiye Saleeban ayaa waxa uu sheegay in xildhibaanka uu qalad ka galay qaranka Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey inay Beeshiisu ay raali-gelin ka bixisay gafka uu ku kacay Dhakool.

Guddoomiyaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaafka xisbiyada ee arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay qabsoonto doorashadu oo ay galaan.

Waxa kale oo uu xusay inaysan doorashada Somaliland u baaqaneyn hal xisbi oo meel adag iska taaga arrimaha doorashooyinka, wuxuuna yiri “Xildhibaan Dhakool sidaan ku ogaa qaranka ayuu ku gafay,qarankana reerkiisa ayaa raaligalin ka bixiyay oo aan maqlaayay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Axsaabtu waxay aqbaleen in doorasho la galo, doorashaduna uma baahna baan qabaa hal xisbi doorasho geli mayno haddii uu yidhaa dee inta hadhay ayaa geli”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com