DF Soomaaliya oo heegan culus ku dhowaaqday xilli ay jirto cabsi xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya ay heegan gelisay hay’ado iyo shaqaalo loogu talo galay ka hortaga cudurada faafa, sida xanuunka Ebola.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Dr Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa shaacisay in wasaaradda ay heegan gelisay shaqaalo horey loogu tababaray inay ka hor tagaan xanuunadaan oo kale.

Waxay sidoo kale sheegay inay arinta ku aadan xanuunka Ebola la kaashan doonaan hay’ado caalami ah, kuwaasi oo ka howlgala Soomaaliya, iyaga oo sheegay in hadda uusan jirin walaac badan oo dowladda Soomaaliya ay qabto.

“Wasaaraddu Waxay heegan gelisay howlwadeeno horey loogu tababaray ka fal celinta cudur dilaacyada noocaan oo kale ah, waxay sidoo kale heegan gelisay hay’ado iyadoo lala kaashanayo kuwo caalami ah oo dalka ka howlgala”ayay tiri wasiirka caafimaadka xukuumadda Somaliay.

Dr Fowsiyo waxa ay xustay in la tashiyo badan ay sameeyeen, sidoo kala ay la kaashanayaan hay’addaha ay quseyso arrintan ee dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com