Duqa Muqdisho oo xaliyay arin dhibaato ku heysay culimadda masjidka Shiikh Aweys

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool dagmadda Xamar Weyne ee gobalka Banaadir ayaa muddo badan dhibaato ku qabay koox dhalinyaro ah oo mandooriyaha isticmaasha kuwaas oo looga cibaadeysan waayay masjidka Shiikh Aweys ee dagmadaas.

Salaadaha maqribka iyo cishaha ayaa la sheegay in koox dhalinyaro ah oo dhuuqda Xashiish iyo Sigaar iney soo dhooban jireen jardiimadda masaajidka Shiikh Aweys taas oo jameeco badan ku qasabtay iney Masjidka imaan waayaan madaama uu qiico soo gali jiray gudaha masaajidka.

Cabdi Yare oo ah nin dhalin yaro ah oo ku nool dagmadda Xamar Weyne ayaa la sheegay inuu arinkaan la wadaagay gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ay horey isku bar garanayeen waxaana uu u sheegay in masaajidka looga kala tagay ragaas daroogadda la hor fadhiya.

Duqa Muqdisho ayaa la sheegay inuu ku amray gudoomiyaha dagmadda Xamar Weyne iyo taliyaha booliska iney arintaas deg deg u xaliyaan , howl gal laga sameeyay illinka masjidka Shiikh Aweys ayaa la sheegay in lagu xiray 6 qof oo Xashiish ku dhuqeysay iridda Masaajidka.

“Alle ayaa ku mahadsan oo naga dul qaaday dhibaataddii ay nagu hayeen, waxaan sidoo kale mahad balaaran u jeedineynaa gudoomiyaha gobalka Banaadir Taabit Cabdi oo si niyad ah u wajahay arintaasi mudada soo jirto ayuu yiri Macalin Axmed oo ka mid ah xerta ku cibaadeysata masaajidka Shiikh Aweys.

Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ku mashquulsan inuu xaliyo cabashooyinka shacabka magaaladda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com