Duqeymo lala beegsaday laba garoon diyaaradeed oo ku yaal Sacuudi Carabiya

Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sabtidii weerar loo adeegsaday diyaarado drone ah ku qaaday koonfurta dalka Sacuudiga ayagoo ka aargudanaya duqeymaha Sacuudiga ee dalka Yemen.

Taleefishinka Xuutiyiinta ee al-Masirah ayaa sheegay in duqeyn xooggan ay diyaaradaha drone-ka u gaysteen garoomada diyaaradaha ee gobollada Jizan iyo Abha.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in weeraradan looga aargutay gardarrada Sacuudiga ee ka dhanka ah shacabka Yemen, ayna sii xoojin doonaan haddii Sacuudiga uu sii wado duqeymaha Yemen.

Si kastaba, dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay dhexda ka qabatay gantaalo ay Xuutiyiinta soo rideen, sida uu ku warramay taleefishinka Al-Arabiya ee Sacuudiga laga leeyahay.

Xuutiyiinta ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey weerarada ay la beegsanayaan Scauudiga, waxaana inta badan weeraradan lagu qaaday goobo ku yaalla Jizan, Najran, Abha iyo Khamis Mushait.

Sacuudi Carabiya ayaa iminka qosheeneysa inay soo iibsato habka difaaca gantaalaha Israel ee loo yaqaan Iron Dome, si ay uga hor-tagaan gantaalaha ay soo tuuraan Xuutiyiinta dalka Yemen.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii habka difaaca gantaalaha Mareykanka ee Patriot System, oo balaayiin dollar uga baxday Sacuudiga, uu ku fahsilmay inuu qabto inta badan gaantaalaha Xuutiyiinta.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com